Ciidamada Somaliland oo weeraray guri uu ku sugnaa Nimcaan Hilaac

184

Ciidamada Maamulka Soomaaliland, ayaa lagu soo waramayaa in ay  weerareen  hoyga uu Magaalada Borama ka degan yahay Fanaanka caanka ah Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan Hilaac, kaas oo dhawaan halkaasi tagay.

Fanaanka ayaa maalma ka hor dhanka Xadka Jabuuti ka soo galay deegaanada Soomaaliland, ayadoo  ay si weyn usoo dhaweeyeen taageerayaashiisa Ku Sugan magaalada Boorama.

Wariyayaasha ku sugan Borama ayaa waxa ay soo sheegayaan in Nimcaan Hilaac ay xariga ka difaaceen Shacabka Borama gaar ahaan taageerayaashiisa oo ahaa kuwii ku soo dhaweeyay magaalada.

Dadka difaacayay  Fanaanka  iyo Ciidamada maamulka gooni u hoosaadka ah ee Soomaaliland, ayaa lagu soo sheegayaa  in uu dhex-maray rabshado khasaaro geystay,   inkastoo ciidamadu aysan ku guuleysan in ay  xiraan Fanaan Nimcaan.

Fanaanka Nimcaan, ayaa mudo horay ugu sugnaa magaalada Muqdisho,  isaga iyo fanaaniin kale waxaana horay loo xiray fanaaniin Muqdisho yimid markii ay Hargeysa ku laabteen.