Ciidamadda huwanta oo la wareegay Kurtun waarey

178

CORRECTION-SOMALIA-UNREST-SHAHABCiidamadda dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah ay u qabsadeen Kurtun waarey iyo deeggaano kale oo hoostaga.

Saraakiisha ciidamadda huwanta ayaa sidoo kale warfidiyeenka u sheegay inay baaritaano ka sameeyeen inta badan waddooyinka ka baxa Kurtun waarey, iyaga oo shacabkana ugu baaqey inay dib ugu soo laabtaan guryahooda ay ka barakaceen si ay gacan uga geystaan soo celinta nabadda iyo ammaanka deeggaankaasi.

Dhinaca kale, barakac aad u xooggan ayaa weli ka socda degmadda Baraawe ee gobolka Sh/hoose, halkaasoo ah saldhigga ugu weyn ee xarakada Shabaab ay weli kaga sugan yihiin gudaha gobolkaasi.