Ciidamo Amisom ah oo la geeyay Cadaado

87

Boqollaal askari oo ah ciidamadii ugu horreeyay oo ka tirsan  Hawl-galka Midowga Afrika ee  Soomaaliya AMISOM ayaa maanta la geeyay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud .

Ciidamadaan oo ka kala socda Dalalka Jabuuti iyo Burundi ayaa la sheegay in ay ka Qayb-qaadan doonaan sugdda amniga mudada jiro doorashada xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaalo-madaxyeedyada maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Afhayeenka Maamulka Galmudug, C/llaahi Xaashi Faarax  oo Warhaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka la geeyay Cadaado ay sugi doonaan Amniga ergooyinka doorashada ka qayb-qaadanaya.

“Ciidamada ka socda AMISOM ee Cadaado la keenay, waa kuwo ka qayb-qaadan doona sugidda amniga magaalada inta ay socoto doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in ciidanka AMISOM ka tirsan ee la geeyay Cadaado ay tiradoodu dhan tahay boqollaal Askari isagoo sheegay in kuwo kale ay dhawaan gaari doonaan magaalada Cadaado.

Ciidamadan ka socda Midowga Afrika ee la geeyay Cadaado, ayaa waxay imaanayaa xilli dhawaan ay magaaladaas sodaal indho-indheyn ah ku tageen saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Dowladda Somalia oo uu ku jiro taliyaha ciidamada Midowga Afrika, Jen. Cismaan Subagel.