Ciidamo godoodsan oo xiray qaar ka mid ah wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho

463

Ciidamo ka militariga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegay qeybo badan oo ka mid ah magaalada caasimada ah Muqdisho, iyaga ka cabanaya mishaar la’aan.

Ciidanka qaar ayaa u dhaqaaqay dhanka xaafadda Buulo Xuubey,iyaga oo joojiyay dhamaaba ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gadiidka.

Ciidamadan ayaan wax dhibaato ah u  geysan dadka shacabka ah, marka laga reebo inay kala xireen qeybo muhiim ah oo caasimada ka tirsan.

Waa gadoodkii ugu ballaarnaa oo ay caasimada ka sameeyeen ciidamada xili dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmajo horay u ballanqaaday in ay bixineyso mishaarka ciidamada iyo shaqaallaha dowladda.

2017312636248948580623752muqdi 2017312636248948332135952h2 2017312636248947365993981h4 2017312636248947132668431h3 2017312636248946323190330h1