Ciidamo la wareegay xarunta shirka Jowhar.

126

Ciidamo la sheegay inay yihiin  Milateriga Soomaliya ayaa maanta la wareegay xarunta shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ee magaalada Jowhar.

Waxaa lagu soo waramayaa inay diideen in gudaha loo galo xarunta shirka, ayagoo amar ku bixiyay in laga baxo xarunta oo ay sidoo kale degan yihiin ergadii ka qeyb galeysay shirka maamul u sameynta Hirshabeelle.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno Jowhar in ciidamadan oo wata gaadiid dagaal  inay ku heyb yihiin Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Xasan Cali Taakow, kaasoo shir jaraa’id oo uu maanta  ku qabtay Jowhar ku sheegay in la joojiyay shirka.

Xaalada magaalada Jowhar ayaa ah mid degan, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo inay isku dhacaan ciidamadan milateriga ee la wareegay xarunta uu ka socday shirka maamul u sameynta Hirshabeelle oo ku dhex taal dhismaha Shirkadda Farjano.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay inay ka soo hor-jeedaan faro- gelin dowladda sida ay sheegeen ay  ku wado doorashada maamulka Hirshabeelle, isla markaana Musharaxiin Madaxweyne kuxigeen ka yimid Muqdisho lagu wargeliyay inay isaga soo baxaan shirka oo aanay is sharixi karin.

Ciidamada oo mudo  saacado ah la wareegay ammaanka xarunta uu ka socdo shirka maamulka Hirshabeelle ayaa ka baxay goobihii ay ku sugnaayeen iyagoo muddo saacado ah u diiday ergada ka qeybgalaysa shirka inay galaan gudaha xarunta.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada ay isaga baxeen wadooyinka laga soo galo xarunta shirkada Farjano oo uu shirka maamul u sameynta uu ka socdo.

Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysay in ciidamadan ay xiraan hoolka shirarka ee magaalada Jowhar.