
Ciidamada dalka Masar ayaa sheegaya in 8 askari la dilay 15 kalana lagu dhaawacay weerar ka dhacay gacanka Sinai oo ah saxaro wayn oo Ku yaala xadka dalka Masar uu la leeyahay Israel.
Weerarka ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Sinai ee dalka Masar.
Afhayeenka ciidamada dalka Masar oo lagu magacaabo Colonel. Tamiir al-Rifaacii, ayaa sheegay in maleeshiyada weeraka soo qaadday ay xirnaayeen sumaanka laisku qarxiyo si ay u jabiyaan xareda ciidamada.
Waxa uu sheegay in dhamaan weeraryannahada dagaalka soo qaday la dilay.
Masar ayaa la daalaa dheceysay dagaalka ay kula jirto kooxaha mucaaradka ee ku sugan magalada Sinai tan iyo markii madaxweynihii hore ee masar Maxamed Musri shan sano ka hor xilka laga qaaday.
Ciidamada Masar ayaa bishii Febaraayo fuliyay howgal milatari oo looga gol lahaa in lagu cirib tiro kooxaha la dagaalamo dowladda.
Weerarkan oo dhacay maanta oo Jimco ah ayaa ah kii ugu waynaa ee dalkaasi Masar ka dhaca tan iyo intii madaxwaynaha dalkaasi Cabdulfataax Elsiisi markii labaad loo doortay xilka madaxtinimo.