Ciidanka Badda Soomaaliya Oo U Diyaar-garoobaya Inuu La Wareego Difaaca Xeebaha

373

Ciidanka baddaTaliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha Soomaaliya, Admiral Maaddey Nuurow Ufurow ayaa sheegay inuu ciidanka badda Soomaaliya u diyaar-garoobayo inuu dhawaan la wareego difaaca xeebaha dalka oo uu ka ilaaliyo dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah.

Taliyaha oo ka hadlayay xaflad lagu qabtay xarunta ciidanka badda ee degmada Shangaani Talaadadii (10-kii Febaraayo) oo lagu maamuusayay sanad-guuradii 50-aad ee difaaca xeebaha Soomaaliya ayaa digniin u jeediyay kuwa badaha Soomaaliya ka sameeya kalluumeysiga sharci-darrada ah ama wasaqda ku daadiya ama mukhaadaraadka ama waxyaabaha sharci-darrada ah ka dhoofiya ama burcad badeedda ah.

Wuxuu xusay in mustaqbalka dhow uu ciidanka badda diyaar u yahay isagoo u hoggaansamaya shuruucda caalamiga ah ee badaha inuu sugo nabadda dadka ku safraya biyaha Soomaaliya.

Admiral Maaddey ayaa xaqiijiyay inuu ciidanka badda haysto anteenno lagala xiriiri karo cid kasta oo soo gasha ama ka baxeysa badda Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa ciidanka badda siisa tababarro aasaasi ah, iyadoo ugu deeqday doonyo dagaal oo lagu fulin karo howlgallada sida uu caddeeyay taliyaha.

Ciidanka badda Soomaaliya waxaa la aasaasay 1950-kii, hase yeeshee markabkii ugu horreeyay ee ilaalinaya xeebaha Soomaaliya wuxuu dekedda Berbera ku soo xirtay 10-kii Febaraayo 1965-kii.