CIIDANKA DOWLADA IYO KUWA AMISOM OO DEEGAANO HOR LEH SHABAAB KALA WAREEGAY

183

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyn ee Xarunta Goblka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM maanta Al-Shabaab kala wareegeen Deegaano dhoor ah oo kuyaala Duleedka Magaalada Baladweyn.

Ciidamada Huwanta ayaa la tilmaamay in maanta ay ka baxeen Deegaanka Jante kundisho ee Duleedka Baladweyn ,waxa ayna gaareen Ciidamada sida aan Wararka ku helnay deegaano dhoor ah oo gacanta Al-Shabaab ku jiray.

Deegaanada ay maanta la wareegeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ayaa waxaa kamid ah Teedaal, Galxumar iyo Comaad , deegaanadaan ayaana gacanta ugu jiray Al-Shabaab kahor inta aan maanta laga qabsan

Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee horey ugu sugnaa deegaanadaasi ayaa la tilmaamay in ay ka baxeen halkaasi kahor inta aysan ciidamadu soo gaarin , waxaana la tilmaamay in aysan jirin wax dagaalo ah oo labada dhinac dhax maray.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo howlgalo wada jir ah ka bilaabay Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay gacanta Al-Shabaab ka saareen Degmooyin iyo deegaano kuyaala Gobolkaasi.