Ciidanka Kenya oo xaafadda Islii ku dilay 2 qof

345

Nairobi

Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa toogtay labo qof oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen Kooxaha Burcada ah ee dhibaatada u geysta dalka kunool  Magaalada Noirobi.

Labada qof ee ay toogteen Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen Kooxaha loo yaqaano Super-Power.

Mid ka mid ah labadaasi qof waa Soomaali , halka midkalena uu yahay Oromo sida ay Risaala u xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen.

Ciidamada loo yaqaan Flying Squad ee qaabka dharcadka u hawlgala ayaa bartamaha xaafadda Islii, gaar ahaan wadada u dhaxeysa Suuqa 1-aad ee Islii, suuqyada Amal iyo Taysir, waxa ay ku toogteen labadaasi ruux.