Ciidanka Xasalinta Caasimadda oo la dagaalamay ciidan hub ku dhex watay Magaalada Muqdisho

988

 

GetImageIska hor imaad kooban ayaa lagu soo waramayaa in caawa Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka ku dhexmaray Isgoyska Xaawo-taako Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka xasilinta Muqdisho iyo Ciidamo kale oo hubeysan ayuu iska hor imaadkan si gaar ah u dhexmaray, sida ay  Xaqiiqa times, u sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii sida  la sheegay Ciidanka xaslinta Caasimadda ay isku dayeen in ay hub ka dhigis ku sameeyaan ciidan  ku sugnaa Isgoyska Xaawo-taako ee Degmada Wadajir, balse ciidankaasi ayaa ka hor yimid hub ka dhigis in lagu sameeyo oo taasi oo keentay is israsaasayn ay dhexmarto labada dhinac.

Ciidanka isku dhafka ee ammaanka caasimadda qaabilsan, ayaa waayahan waxa ay wadaan qorshe hubka looga dhigayo ciidamada kale ee aan shaqada ku jirin ee magaalada hubka ku dhexwata.

Ciidanka xasilinta magaalada Muqdisho ayaa howlgallo waxa ay ka bilaabeen bartamahii bishan dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir ay Ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay kasoo saareen amarro ay ka mid ahaayeen in gudaha Caasimadda aan lagu wadan Karin hub ka wayn Qoriga ‘AK47’.

Go’aankaasi ayaa ujeedkiisa lagu sheegay in dhammaan Dadka xilalka ka haya Dowladda laga yereeyo ilaalada faraha badan iyo hubka loo yaqaano ‘Machine-gun’ oo uu ka mid yahay qoriga Soomaaliya ay u taqaano ‘Dabo-jeex ama Daba-minshaar’ kaasi oo ay aad u isticmaalaan ilaalada Dadka xilalka kala duwan ka haya Dowladda Soomaaliya.

Holwgalkan oo go,aankiisa ay lahaayeen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ujeedkiisa uu yahay sidii magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho looga yareyn lahaa Hubka.

Arintan waxaa ay soo baxday ka dib markii bartamihii bishan ciidamo ka tirsan ilaalada Hanti-dhowrihii hore ee dalka Dr Nuur Faarax agagaarka madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho ay Ku Eileen Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Siraaji Sheekh Cabdullahi, dhacdadaasi oo Su’aal galisay ammaanka Magaalada Muqdisho iyo waliba kan Xildhibaanada labada Aqal iyo  kan Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.