CILMI RAAXO LAGUMA BARTO (QISADII XIROWGA – NAXASHKA – Q.3AAD- KHITAAM

542

shiikh_Idiris-300x261

Sheekh maxamed Wakhtiga waxa uu isguraba waxaa la gaarey bil ramadaan, anna Qur’aanka waxaa ii dhiman 10 juz, magaaladiina waxay meel dhigatay inaan aniga tujin doono bishan ramadaan, waayo waxay iga rumaysan yihiin inaan Qur’aanka xifdisanahay dhamaantii, Taana waxay igu noqotay caqabad kale mana dhihi karo Qur’aan ma aqaano oo waxaan ka baqayaa waxyaabo badan oo hadda ii yara qabsoomay inay iga kala daataan.

Dhibkana wuxuu ka taagan yahay waa 10ka juz ee hore ee quraanka ee aanan aqoonin, taraawiixdana kabilaabanayso, Sida layaqaanana taraawiixda waxaa tujiya 2 ruux oo u kala qaato juzkii xizib iyo xizib.

Markaa waxaan go’aan ku gaaray inaanan isdhiibin oo soo diyaariyo qaybtayda maadaama aan la iiwada dhiibaynin juzka oodhan, Ilaahay ayaan baryay inaan ku ceeboobin oo ii fududeeyo, juhdi badan ayaan geliyay, ilaa heer indhahaygii ay noqdeen bur dhiiga, maxaa yeelay ma aqoonin wax la yiraahdo nasasho iyo hurdo midna, waliba anoo sooman, habeenkii waxaan soo kacaayay 2:30 habeenimo ilaa 11:30 fiidnimo, Marka dadka taraawiixda ka baxan oo guryahooda u nasiina iyo jiif tagaan, anigu ma seexan jirin waxaa diyaarin jiray qaybta aan ku tujin doono habeen dambe.

Taa waxay ii noqotay faraj kale oo ah 10 kii juz ee ii dhinnaa waxaan ka xifdiyay xizib xizib ramadaankii markuu dhamadayna bishii soon fur waxaan diyaarayay xizib xizibkii kale ee ii harsanaa sidii baan isugu keenay Qur’aankii alxamdulilaaah, haday taa dhici lahayna waxaa laga yaabi lahaa inay igu qaadan lahayd bilooyin Inaan diyaariyo 10kaan juz.

Markii soonkii laga baxay, soonfurna dhamaatay, kadib lana ogaaday wixii wacdara ahaa aan dhigay bishii ramadaan, ayaa waxaan outomatikiyan u noqday imaam ku xigeen, iyadoon cidna ii magacaabin, gudigii masjidkana iska arkin, maadaama aan kamid noqday agabka dhexyaalla masjidka een marna laga waayin, imaamkiina iska mashquul badan yahay.

Waxaa kale oo bilaabatay iney dadkii hadiyado ii keenaan sida qamiisyo iyo cumaamado iyo funaanado. Waxaa kale oon qabtay madaraso wayn oo masjidka ku tiilley oon macallin ka noqday, xoogahaana la iiga qoray sanad kadib, waa markii iigu horaysay oon ku xisaabtamo mushaar, kaa oo ahaa 50$, waxaan kiraystay qol ii gooni ah oo waxaan ka baxay naxashkii iyo masjidkii.

Waxaa kale oon gatay mobile, waayo hadda waxaan u baahanahay xiriirka bulshada iyo qaraabo salaan, Maalmo ka dib imamkii wuxuu bilaabay inuu ii tababaro qaabka loo aqriyo khudbadda, diyaarin badan kadib iyadiina waan ku guulaystay inaan khutbadii akhriyo, waliba si wanaagsan iyadoo hadana ay ahayd markii iigu horaysay oon khutbo akhriyo, dadkana kasoo horjeesto hadana mafara nixin oo si wanaagsan ayaan khutbaddii iyo salaadiiba u dhameeyay.

Sheikh maxamed waxaan noqday sheekha labaad ee magaalada, Waxaa kale oo balwad ii noqotay inaanan kabixin masjidkii daaqadahiisa uun intaan soo istaago aan ka fiir fiiriyo magaalada iyo dadkeeda, waayo hadaan masjidka ka baxo magaranayo meel aan uga dhaqaaqo, maxaa yeelay awal ayaan iska xir xiray aadi taanka magaalada, sidaa ayaana ii noqotay dabeecad inkastoon wada bartay dadkii oo dhan hadana magaranaynin xaafadahooda iyo tukaamadooda iyadoo dhowr jeer la iigu yeeray aroosyo iyo sabab (alla bari) waana ka cudur daaranayay.

Waxaan ubaahday inaan goosto sharci (ID) laakiin magaranayo meel laga billaabo iyo meel loo maro, anoo muddo kaligay ku mashquulsan waddadii aan u mari lahaa oo isleh yaad u bandhigtaa iyo dhaqaalihii ku bixi lahaa arintan, iyo xageed ka gashaa, ayaa waxaa ii yimid maalin wiil ka mida arday dugsiga dhigata wuxuuna igu war galiyay inay hooyadii ii yeerayso, waan raacay salaan kadib iyo shaah cab, hooyadii waxay i waydiisay inaan aadi karo magaalo hebla oo ilaa qayaastii 20km noo jirta, markaan waydiiyay waxay ii sheegtay gabar soomaaliyeed oo (D.O.) halkaa ka ah magaalada xukunta inay u baahan tahay wadaad Qur’aanka u aqriya.

Dalabkii waan ka ogolaaday, subaxii dambe gabadhii waxay ii soo dirtay gaarigeedi khaaska ahaa, markaan gurideedii imid iina sheegtay inay u baahantahay, Qur’aan saar, gaar ahaan yaasiimaha, ayaan waxaan dareemay iney fursad tahay arrintii igu taagnayd inaan u sheego, waxaan ku iri gabadhii Qur’aanka waan ku saarayaa, waadna ku bogsanaysaa bi idnillaah, laakin anna waxaan u baahanahay inaad iga caawiso sharci (ID).

Dalabkiina way iga aqbashay, war iyo dhamaantii 60 cisho guduhood waxaan gacanta ku dhigay sharcigii, kaa soo mar marsiinyo ii ahaa markaan tagitaanka ka dalbanayay hooyadii aan u shaqaynayey ee Nairobi.

Arrintan oo aan maalmo kasoo wareegin ayaa waxaa isku dhacay imaamkii iyo gudigii masjidka, imaamkiina wuxuu dhiibtay warqadii istiqaalada (iscasilaada), haddii imaamkii meeshii ka baxay cidkale lama hayo oon aniga ahayn, waxaan la wareegay si toos ah madarasadii iyo masjidkii iyo masuuliyadiisiiba waxaa kale oon noqday Qaarigii magaalada..Muddo markii aan Hawshaas hayey ayaan u sheegay Guddigii Masjidka inaan safar meesha u imi, haddana noqonayo, markaa waxaan idin ku simayaa inta Imaamkii aad dalbateen idiin imaanayo, ka dibna Imaamkii cusbaa ayaan xilkii ku wareejiyey, waxaanan kusoo noqday Nairobi, waxaana ilaahay ii yasiray shaqadii hore mid ka wanaagsan, Ilaahay ayaa mahad iska leh..

Sheekh maxamed sheekada nuxurkeda adaan kuu daayay iyo tacliiqa, arinta siday u fur furantay ma Qur’aankii aan ku dadaalaybaa, mise waa wax kale oo alle xagii ka yimid, iyo ruuxu haduu meel ku adkaysto inuu ka miro dhalin karo, iyo hadii aad ilaahay dartii meel uga tagto in ilaahay kuugu badalayo meel kaqayr badan, iyo cazmada iyo go’aanku uu yahay guusha shay walbo oo lagu liibaano, ilaahay dambigaaga hadhaafo iyo kii waalidkaa carruurtaadana ilaahay hakuu dhowro meel walbo oo ay joogaan scw..

======================

Wacalaykuma Salaam Waraxmatullaahi Awabarakaatuhu, Walaalkay, Intaan Akhrinayey sheekadaad dhawr goor ilin ayaa igu istaagtey, marna aad ayaan keligayu qoslay, waa markaad u doodeysey Naxashka inaan Xabaalaha looga tegin! Marna waan farxay, oo waxaan ku farxay inaad hammigaagii ahaa inaad Kitaabka Ilaahay Xifdiso aad ku guulaysatey.. Imtixaan aad u martay inaad dibad seexato, kaneeco iyo roob isugu kaa drmaan, ka dibna Naxashkii aad miciin bidday oo gogosha kuugu fiican uu noqday, laakiin aadan marna ka tanaasulin inaad hadafkaagii ahaa inaad Qur’aanka xifdiso aad gaarto..

Saaxiib, waxaan shaki ku jirin, casiimadu iney tahay insaanka shey muhiim u ah guushiisa, macneheeduna waa ku adjaysiga inuu hadafkiisa gaaro caqabad kasta oo timaaddana isku dayo inuu ka gudbo.. Waxaan kuugu hambalyaynayaa go’aankaaga adag iyo sida Ilaahay kuugu guuleeyey..wexey kaloo na tusineysaa tadarujka yacni shey walba in si step step ah loo fuliyo iney sunno ilaahay tahay, oo aan hal mar la boodi karin, tasoo ah meeshii aad naxashka u seexatay iyo deyrka inaad imaam markii dambe ka noqoto, wexeyna u baahantahay sabir.

Waxaan rajaynayaa dhalinyaro iyo waayeel badan iney cibra u noqoto iney kitaabka ilaahay muddo gaaban ku weelayn karaan, hadii ay go’aan ku gaaraan, waxaan hadda ka hor arkay hooyo 60 jir ah oo go’aansatay iney Qur’aanka Xifdiso, muddo 10 sano ku dhowna ay ku qaadatay laakiin si wanaagsan u xifdisay!

In kastoo aadan noo sheegin Saaxiib haddana waxaa kaloo wanaagsan in Macallin Qur’aanka si fiican u yaqaan kaa dhegeysto, weliba hadduu Ijaaza bixiyana ay kasii fiicantahay, waayo inkastoo ay wanaagsan tahay sida aad ugu dadaashey xifdinta Qur’aanka, haddana in Macallin kaa dhegeysto ayaa wanaagsan, Ilaahay haku barakeeyo, khayrkana hakuu yasiro meel kastoo aadjoogto. .. Qur’aankana mid ku nicmaysta Allaha kaa dhigo… Aamiin..

www.xaqiiqa.com