Col. Bare Hiiraale oo aqbalay wadahadalka Kismaayo

191

BareCol. Bare Aadam Shire ayaa markii ugu horreysay aqbalay in uu ka qeybgalo shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu ka dhaco 21-ka bisha soo socota magaalada Kismaayo, kaddib markii uu kulan la yeeshay wefdi ka socday dawladda dhexe ee Soomaaliya, masuuliyiinta maammulka KMG ah ee Jubaland iyo wakiilo metelayay urur gobolleedka IGAD.

Bare Hiiraale oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in  isaga iyo ragga kale ee kasoo horjeeda maammulka KMG-ka ah ee Jubaland loo ballan qaaday in wax walba oo ay qabaan wadahadal lagu dhamayn doono si buu yiri loo soo afjaro khilaafaadka siyaasadeed ee imminka jira.

Kulankaasi ayaa ka dhacay deeggaanka Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo, halkaasoo muddo sannad ka badan ay ku sugan yihiin Bare Hiiraale iyo ciidamo uu wato.