Daanyeer sababay geerida 20 qof iyo dhaawaca 50 kale

259

Daanyeer sababay geerida ku dhowaad labaatan ruux.

Wararka ka imaanaya dalka Liibiya ayaa waxaa ay sheegayaan in Magaalada Sabxa ee wadankaasi uu ka dhacay dagaal beeleed sababay dhimashada 20 qof iyo dhaawaca 50 kale.

Beelaha dagaalamay ayaa lagu kala magacaabaa Awlaadu Sulaymaan iyo Qadadfa.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu bilowday ka gadaal markii Daanyeer uu leeyahay dukaanle kasoo jeeda beesha Qadadfa uu weeraray iskuul Ku yaala Magaaladaasi.

Daanyeerkan ayaa la sheegay inuu farxumeeyay Gabdho kasoo jeeda beesha Awlaadu Sulaymaan, taasi oo keentay inay isku dhacaan labadaasi beeleed.

Liibiya dadka Ku nool ayaa ah kuwo u hubaysan neel beel.

Qiimayn sanadkan la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in wadamada Liibiya, Soomaaliya iyo Yemen ay yihiin wadamada ugu badan ee lagu isticmaalo hubka sharci darada ah.

Wadanka Liibiya ayaa waxaa ka taagan fowdo, taasi oo bilaabatay sanadkii ku caan-baxay ‘Gugii Carabta’.