Daawo: 40 sano ka dib diyaaraddii Lufthansa oo 1977 lagu afduubtay Muqdisho oo lagu ciliyay Jarmalka

238

Diyaarad ay koox Falastiiniyiin ah afduubatay sanadkii 1977kii ayna badbaadiyeen dadkii u afduubnaa ciidamo Kumaandoos Soomaali ah markii ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa dib loogu celiyay wadanka Jarmalka.

Diyaaradda Lufthansa Boeing 737 ayaa maalinimadii sabtida laga dajiyay magaalada Friedrichshafen ee dalka Jarmalka.

Waxaa la sheegay in la gayn doono Madxafka Dornier Museum.

October 18, 1977 ciidamada Commandos-ta Soomaaliya oo ay taageerayeen ciidamo Jarmal ah ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku dilay Saddex ka mid ah Afar afduube oo ka tirsan koox reer Falastiin ah.

Diyaaraddaasi waxaa saarnaa 86 qof oo ay Ku jireen howl-wadeenadii diyaaradda.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jarmalka Sigmar Gabriel, ayaa sheegay in diyaaradda astaan laga dhigi doono islamarkaana ay muujinayso in bulshada ay diideen in Cabsi iyo Aragagax ay ku noolaadaan.

XIGASHO: http://www.dailymail.co.uk/news/article-4913510/amp/Lufthansa-jet-hijacked-1977-returns-home.html