Ra’iisul wasaarihii hore haatana ah musharax u taagan xilka madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Farmaajo ayaa waxaa soo dhoweeyay dadwayne farobadan oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee Caasimadda.
Musharaxan ayaa markii uu yimid Muqdisho waxaa uu la hadlay dadka soo dhowaynayay iyo warbaahinta.
Waxaa uu sheegay in uu u taagan yahay xilka madaxtinimada dalka.
Farmaajo ayaa xubnaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay inay doortaan hoggaan Daacad ah.
Doorashada madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sida qorshuhu uu yahay waxaa ay dhici doontaa 28 bishan aynu ku guda jirno ee December.