Daawo: Jawaari oo u sharxan xilka Godoomiyaha Baarlamaanka iyo rajadii Shariif Xasan oo ceel ku sii dhacaysa

351

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka waqtigiisa uu dhamaaday ee Soomaaliya, intii u dhaxeysay 2012-2016 ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay maanta oo Arbaco ah in uu u taagan yahay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaa uu sheegay Mudane Jawaari, inuu isa soo sharxay ka dib soda uu sheegay  codsi uga yimid Shacabka Soomaaliyeed oo ku aadanaa in uu mar kale isku soo taago xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Shir jaraa’id oo uu saakay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu yiri “kadib markii aan qadariyey xaaladda dalka uu marayo howlaha adag ee na sugaya, umadda Soomaaliyeed oo maanta u baahan iney hesho hogaan wanaagsan ha noqoto xaga sharci dejinta iyo fulinta, hogaankaas oo Alle ka raali yahay ,ma fududa xilka hogaaminta Baarlamaanka waxaan aad u qadariyey tallooyin iyo codsiyo badan oo iga soo gaarayey Shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ha ahaadaan Haween,dhalinyaro,siyaasiyiin iyo Xildhibaanno aad u tira badan oo iga codsaday inaan mar kale usoo istaago hogaaminta Golaha Shacabka”.

“Aniga oo ka jawaabaya codsigaas waxaan shacbiga Soomaaliyeed u sheegayaa codsigiinna iyo codkiinna waan maqlay waanna qadariyey, waxaan go’aansaday oo aan aheyn go’aan si fudud aan ku gaaray in maanta laga bilaabo aan ahay musharax u taagan Xilka hogaaminta Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taasi oo aan Alle Subxaanahu wa tacaalaa aan u tala saartay , waxaan Alle ka baryayaa in uu noo fududeeyo”ayuu si cad u shaaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Prof. Jawaari, ayaa sheegay in xilka gudoonka Baarlamaanka uu ka mid yahay kuwa ugu culus, islmarkaana uu waajibkiisa si wanaagsan u gudan doono, hadii mar kale loo doorto xilkaasi.

“Cida noqon doonta gudoomiyaha baarlamaanka waa mid u taala golaha shacabka, waana ku rajo waynahay in markale la ii doorto xilkan” ayuu intaasi raaciyay.

Waxaa muuqata in musharixiinta gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle, ay soo badanayaan taasi oo caqabad Wayne ku ah rajada madaxwaynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasi oo ka mid ah musharixiinta xilka madaxwaynaha Soomaaliya.

Shariif, ayaa goor sii horaysay waxaa la sheegay in siyaasiyiinta iyo xildhibaanada K/galbeed uu ka dalbaday in aan isu soo sharxin xilkan.

Ilaa iyo hadda xildhibaanada sharxan ee kasoo jeedaa Koonfur galbeed waxaa la sheegay inay yihiin xunbo mucaarad ku ah Shariif Xasan Sheekh

https://youtu.be/M2ZTY0zKsN0