Daawo: M/ hore ee Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka African Leadership Forum

500

former2

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay shirka African Leaders Forum, kaasoo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaal hore oo soo maray Qaaradda Afrika, waxaana shirkan oo maanta ka furmay magaalada Johannesburg looga hadlay caqabadaha heysta Afrika, sida Amniga iyo Nabadgelyada.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Thabo Mbeki Foundation, ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaashii soo maray dalalka Nigeria, Tanzania, Tunisa, Koofur Afrika iyo dalal kale, sidoo kale waxaa shirka lagu casuumay aqoonyahano iyo diblomaasiyiin African ah.

Madaxweynihii hore xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shirka, isagoo xusay in looga baahan yahay Madaxda Afrikaanka looga baahan yahay in mas’uuliyadooda difaacdaan, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in loo baahan inay cod ku lahaadaan shirarka caalamiga, isla markaana door ku lahaadaan Xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Shirka ayaa Madaxdii ka hadashay waxaa soo hadal qaadeen caqabadaha ku wareegsan Madaxda Afrika xilliyada ay xilka hayaan, horumarka, dhaqaalaha, xagjirnimada iyo doorka looga baahan yahay hoggaamiyaha.

Waxaa lagu soo hadal qaaday xasaradaha ka taagan dalal badan oo ka mid ah Afrika, sida Libiya iyo dalal kale, sida Africa ay u xalin karto caqabadaha heysta dhalinyarada Afrika.