Daawo Madaxwaynaha Soomaaliya oo shirka Talo Qaran ka furay Moqdisho

311

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir hal maalin ah oo loogu magac daray Talo-Qaran, kaasoo ay dadweynaha ku dhiibanayaan talooyinkooda.

Shirka  Talo-Qaran waxa uu tilmaamayaa Lix tiir ama qodob,  sida Amniga Cadaaladda, Waxbarashada, Caafmaadka, Dhaqaalaha iyo Waddaniyadda, siyaasadooduna waxaa lagu lifaaqayaa talooyinka ay bixiyaan dadweynihii Soomaaliyeed ee Madashaasi isugu  yimid.

Dadka ka soo qeyb-galay waxa ay ahaayeen saraakiisha Ciidammada, Khabiirro Cadaaladda bartay, Aqaaoonyahanno, Dhaqaatiir, Siyaasiin iyo dadweyne kale. madasha Talo Qaran waxaa soo agaasimey Qaasim Maxamed Cali oo ah La taliyaha Madaxweynaha.

Madaxweynaha J..F Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Daah-furay Madasha Talo-Qaran, waxa uu ka jeediyey khudbad ka hadleysay Lixda Qodob ee talooyinka u baahan, ahna kuwa ugu muhiimsan dal ama dowlad jirta leeyihiin.

 

Lixda Qodob ee Madasha Talo-Qaran waxaa fikradahooda ka dhiibanayey ama talooyin ku biirinayey dadkii ka soo qeyb-galay, waana madal kulmisa Talo-doonka, Talo-wadaagga iyo Talo bixiyeyaasha Soomaaliyeed.

ib0a9554ib0a9580ib0a9581ib0a9594ib0a9604ib0a9608ib0a9616ib0a9624ib0a9626ib0a9753