Daawo Muuqaalka: Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo U Hambaliyay Ciidamada Dadda

243

Jawaari XaqiiqaKu simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu hambalyeeyey Ciidammada Badda Soomaaliyeed sanad guurrada 49aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Mudaneyaal, Shacbiga sharafta leh, maanta oo ay tahay 10ka bisha February-2014 waa maalintii la aas aasay Ciidanka Badda Soomaaliyeed oo qeyb ka ah Ciidammada Xoogga Dalka,waa sanadkii 49aad ee kasoo wareegatay maalintii la aas aasay oo maanta waa ay 49sano jirsadeen,Ciidanka Badda iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan leeyahay HAMBALY,HAMBALYO,HAMBALYO iyo sanad guurro wanaagsan”