Daawo sawirada ansaxinta golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya

453

xildhibaanada-2-630x420

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod caqlabiyad leh ku ansixiyay magacaabista Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ee Golaha Wasiirada iyo qorshaha xukuumada ee ay ku howlgeli doonto.

Kalfadhigan ayaa waxaa guddoominayay guddoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana soo xaadiray mudanayaal gaaraya 241, waxaana kulankan sidoo kale fadhiyay Ra’iisal Wasaaraha iyo dhamaamba golihiisa Wasiirada.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la hadlay mudanayaasha Baarlamaanka ayaa horgeeyey qorshihiisa xukuumada ay ku howlgeli doonto, waxaana qorhahan oo aad u dheeraa uu ku xusay in muhiimada koobaad ay tahay la dagaalanka Musuq maasuqa, ayna sidoo kale joogteyn doonto isla xisaabtan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in xubnahan golaha Wasiirada ee cusub oo ku soo xushay karti, aqoon, iyo inuu hubiyay inay u adeegi karaan shacabka sida ugu wanaagsan.

xildhibaanada-4-630x420 xildhibaanada-3-630x420 xildhibaanada-2-630x420 xildhibaanada-1-630x420 khayre-q-630x420