Sunday, November 1, 2020
Home Wararka Maanta Daawo sawirada Fadumo Cusmaan Faraax oo xilka la wareegtay

Daawo sawirada Fadumo Cusmaan Faraax oo xilka la wareegtay

407
Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Fadumo Cusmaan Faraax oo xil laga wareegaysa Oct.07.2017/ Wasaaradda Maaliyadda

Waxaa maanta sirasmi ah xilka ula wareegtay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Marwo  Faadumo Cusmaan Faarax oo dhawaan xilkaasi ay u magacaabeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Munaasabada xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya,mas’uuliyiin ka socotay Madaxtooyada Soomaaliya,Xafiiska Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Axmed Yuusuf Muumin(Siraaji) ayaa sirasmi ah xilkaasi ugu wareejiyay Xisaabiyaha Guud ee Cusub,iyadoo balanqaday in waajibaadkii loo igmaday ay si hufan u gudan doonto.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka qeybgalay xil wareejintaasi ayaa ku booriayay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax,Xisaabiyaha Guud ee Qaranka in ay dardargeliso waajibaadka ay la wareegtay,islamarkaana u rajeeyey in uu eebe uu ku guuleeyo xilka loo magacaabay.