Daawo Sawirada M. Farmaajo oo booqasho ku maraya dalkii 3-xaad ee Bariga Afrika

194

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo isbuucan booqasho kala gooni gooni ah Ku maraya qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika, gaar ahaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah gaaray caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxwaynaha ayaa si wayn loogu soo dhoweeyay halkaasi, isagoona la kulmay madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, ayagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin Ammanka gaar ahaan dagaal ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab kaasi oo dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday ka dib Musiibadii Zoobe oo ay Ku nafwaayeen 358 qof.

Farmaajo ayaa horay u booqday wadamada Ugandaiyo Ethiopia.

Hoos ka daawo sawrida madaxwayne Farmaajo oo gaaray Jabuuti Lana kulmay dhiggiisa dalkaasi.