Daawo sawirada: Madaxwayne Farmaajo oo maanta la kulmay “Farmaajo ii Geeya” oo ah nin beeralay ah

737

Ugu dambeyntii Cabdulaahi Maxamuud oo si weyn baraha bulshada ku qabsaday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Farmaajo Ha La Ii Geeyo ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo aqbalaada la kulankiisa waxana uu ka codsaday Madaxweynaha in ballanqaadyadii uu u sameeyay bulshada uu hirgeliyo.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in markii ugu horeysay abid aan gacan qaado ama salaamo Madaxweyne arintaana waxa ay ii tahay mid aan weligey illoobi doonin.”ayuu yiri Cabdulaahi Maxamuud Cismaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu la kulmo mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee taageeradooda u muujiyay waxana uu u mahadceliyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee taageeray doorashadiisii kadib iyo kahorba.

Kulanka Cabdulaahi Maxamuud ee Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka shaqeeyay oo gacan ka geystey Cali Cabdi Wardheere(Cali Yare) oo ka mid ah saraakiisha u qaabilsan ololaha doorashada iyo Agaasimaha Radio Jowhar Maxamed Abukar Caseyr oo ku dadaalay sidii ay u rumoobi lahayd hadaaqa ah Ar Farmaajo Ha La Ii Geeyo.farmajo-ha-la-ii-geeyo-4farmajo-ha-la-ii-geeyo-4FB_IMG_1486837709794 FB_IMG_1486837703935