Dab Khasaaro Geystay oo Ka Kacay Suuqa Shidaalka ee Black Sea

217

Dabkan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa maanta waxa uu ka kacay Suuqa shidaalka lagu iibiyo ee Black Sea kaas oo sababay khasaaro hantiyeed oo aad u badan, kuna faafay dhul ballaaran oo ah kaalimo shidaalka lagu kaydiyo.

Dabka ayaa socday muddo ka badan saacad waxa uuna si dhaqsa ah ugu fidiyay goobihii ku dhawaa halka uu ka bilaawday markii hore. Dadka Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen dabka oo holcaya kadibna si sahlan ku fidiyay.

Gaadiidka Debdamiska ayaa goobta gaaray. Booyado ay leeyihiin Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkadda Hormuud ayaa gacan weyn ka gaystay daminta dabkii maanta ka kacay Suuqaasi.

Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo Warbaahinta kula hadlay halka uu dabku ka kacay ayaa sheegay in qasaaro xoogan uu dabkaasi ka dhashay ayna dib kasoo gudbin doonaan inta uu la egyahay.
Dabka oo si sahlan u baabi’iyo hantida ayaa haddana waxaa wali muuqan in ganacsatadu asyan wali la imaan taxadarkii looga baahnaa waxaana sidoo kale yar gurmadka lahelo marka ay wax dhacaan.