Dab xoogan oo sababay qasaare badan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha

230

Dab qasaaro ba’an gaystay ayaa ka kacay  suuqa wayn ee Baraakaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dabkan ayaa la sheegay inuu maxay salaadii subax ee maanta kaasi oo wali qayb ka mid ah suuqa wali lagu arkayo qiiqa suuqa gubanaya.

Dab-damis ka sacda shirkadaha ganacsiga iyo maamulka gobalka Banaadir ayaa ka qayb qaadanaya dmiska dabka xoogan ee ka kacay suuqa Bakaaraha.

Mid ka mid ah ganacsatada Bakaaraha oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen, oo aan la hadalnay ayaa sheegay in dabkan uu sababay qasaare aad u xoogan oo gaaraya gubashada goobo ganacsi oo lagu qiimeeyo malaayiin doolarka Maraykanka ah.

Waxaa uu sheegay in seddex qof ay sidoo Kale uu soo gaaray dhawac gubasho ah kuwaasi oo la gaarsiiyay cisbitaalada Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobalka Banadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xasan Jimcaale ayaa gaaray goobta dabka uu ka kacay waxaana uu sheegay in dadbka qasaare badan uu dhaliyay islamarkaana qayb ka mid ah lagu guulaystay in la damiyo.