Dabley ku dagaallamay koofurta Gaalkacyo

190

Dabley-gaari-saaranUgu yaraan 6 qof oo ay ku jiraan dad rayid ahaa ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen isku dhac ku dhex maray dabley hubeysan koofurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi MudugWararku waxay intaasi ku darayaan in israsaasayntu timid kaddib markii ay dableydu ku murmeen lagac lagu qiyaasay 2 malyuun oo doollar oo ay dhowaan madaxfurasho ahaan uga qaateen Michael Scott Moore, oo ah suxufi u dhashay Germany sidoo kalena haysta jinsiyadda waddankaasi Mareykanka, kaasoo afduub loogu haystay bartamaha Soomaaliya. 

Suxufigaasi oo 45 jir ah ayaa si madaxbannaan wararka ugu qorijiray wargeyska Der Spiegel ee kasoo baxa Germany waxayna burcaddu ka afduubatay magaalada Gaalkacyo, sannadkii 2012-kii xilli uu cilmi baaris ku sameynayay buug ku saabsan burcad baddeeda, hase ahaatee waxay taasi u horseeday in ku dhowaad seddex sanno uu ku jiro gacanta dableydaasi.

Ilaa iyo imminka ma jiro wax war ah oo kasoo baxay masuuliyiinta maammulka Galmudug oo la xiriira dhacdadaasi.