DACWADA XERYAHA QAXOOTIGA WAXMA LAGA QABAN KARAA!

275

Gaari nuuca

Sheekh, Magacay gu waa ……..jooga xeryaha Qoxotiga DADAB KENYA marka hore sh Alaah dartii yan ku jeclahay muxadaro yin kagana waan dhagaystaa mansha Alaah
Marka xigta su’ashaydu waxay tahay madamo culimada somaliyeed ay dadaalan hindana qoxotigu dacwada islaamku waa gabis sababto ah u yaraan 20 hay’adood oo gaala ah ya kashaqeya 1 hay’ad oo islaam ah na kama shaqayso, Way jiraan culimo is xil qamey lakiin bahida dacwadaaa kabadan.
Marka sh majirtaa qursha in aad arintaa wax oga qaban kartaan ka culimada diinta u dhaq dhaqaaqda

Jazaa kalaah
=============================

Walaalkaa waxaan Leeyahay: Adeer Ilaahay haku jeclaado, aad dartiis igu jeclaatay.. Waana kaaga mahad celinayaa inaad arrin dacwada ku saabsan noo soo tebiso.. Dacwada islaamka sidaad ogtahay maanta wexey ku socotaa si fardi iyo ahli ah, ee Dawlado isu xil saara dacwada iney risaala ka dhigtaan oo miisaaniyaad waaweyn ku bixiyaan ma jirto, sida reer galbeedku ugu bixiyaan, culimada iyo ducaadda iyo Ha’yadaha Islaamka ee dadaalayana juhdigoodu waa xaddidan yahay awood ahaan, sidaa soo ay tahay dadaal badan ayaa jira, oo qaarna muuqdo, qaarna aanu muuqan.. Tusaale ahaan ilaa iyo Maalinkii Qaxootiga Soomaalidu ay Kenya Yimaadeen Libooya iyo Utanga bilawgii sagaashameeyadii dacwadu dadaallo badan ayey ku bixineysey alxamdulilaah, mira wanaagsanna waa laga gurtay, oo dadkii xeryahaas qaxootiga wax ku bartay, maanta adduunka meela kala duwan shanta qaaradood ayey imaamyo iyo ducaad iyo macalimiin ka yihiin..

Dhadhaab ilaa markii loo soo wareegey xeryaha (iifo, xagardheer iyo dhagaxley) ilaa maalinkan maanta ah, ducaaddu wey dadaalayaan ilaahay fadligiis tabarta iyo awooddu haba yaraato, 2003 aniga iyo Sh Umal iyo culima kale ayaa booqasho kusoo marnay ka dib iyo ka horna khayr badan ayaa ka dhashay..

Marka ha niyad jabin adeer khayrkana wada, waana idin la soconaa inshallaah idin ma moogin intii awooda, allaha khayrka noo adeegsado, aamiin.

www.xaqiiqa.com