Dad lagu dhaawacay Jabuuti

176

Madaxweyne GelleInta la ogyahay labo qof ayaa dhaawac soo gaadhay kaddib markii askari ka tirsan ciidanka ilaalada jamhuuriga ee madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle uu rasaas furay.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada Jabuuti labada qof ee la dhaawacay waxaa ka mid ah Dr. Idiris Cabdi Galab oo dhinaca caafimaadka u qaabilsan madaxweynaha sidoo kalena ka tirsan saraakiisha ciidanka ilaalada jamhuuriyadda Jabuuti.

Ilaa iyo imminka si rasmi ah looma oga sababta ka danbeysa dhacdadaasi, balse wararka qaarkood ayaa sheegaya in toogashadu ay la xariirto muran u dhexeeyay askariga dhaawaca geystay iyo Dr. Idiris iyada oo markii danbe askarigaasi gacanta lagu soo dhigay si loo baaro.

Dhacdadaasi ayaa kusoo beegantay xilli ciidamadda ammaanka iyo nabadgalyadu ay soo dhaweynayeen madaxweyne Geelle oo kasoo degayay garoonka diyaaradaha ee caasimadda waddankaasi Jabuuti.