Gabiley oo mudaharaadayaal lagu dhaawacay

179

Boolis SomalilandWararka laga helayo degmada Gabiley ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof oo shacab ah ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen mudaharaad rabshado watay oo ka dhacay bartamaha degmadaasi, iyada oo sidoo kalena muddo uu hakad ku jiray isu socodka gaadiidka adeegsada waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Boorama iyo xarunta maammulka Somaliland ee Hargeysa.

Hawlwadeeno caafimaad oo ku sugan cusbitaalka weyn ee magaaladaasi Gabiley waxay sheegeen in la gaadhsiiyay dhawaacyo u badan haween iyo carruur kusoo dhaawacmay rasaas askar ka tirsan ciidamadda boolisku ay ku fureen dad mudaharaadayay.

Mudaharaadkaasi waxaa sababay caro xooggan oo ka dhalatay laba sarkaal oo uu toogasho ku dilay askari kale oo ka mid ah ciidanka Somaliland ee gobolka Togdheer, waxaana weli socda baaritaano la xiriira dilka saraakiishaasi.