Dadaallo loogu jiro dhismaha maammulka g/dhexe

165

Cadaado01Wararka imminka laga helayo gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in goor dhowayd ay gaadheen magaalada Guriceel wefdi balaadhan oo uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha debadda dawladda Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad waxaana socdaalkaasi ku wehlinaya xildhibaanno iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga maammul u sameynta gobollada dhexe, kuwaasoo horey u soo maray magaalooyinka Dhuusamarreeb iyo Cadaado oo lagu wado inay martiggeliso shirweynahaasi.

Wefdiga ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Guriceel, iyaga oo kulan degdeg ahaa la yeeshay masuuliyiinta ururka Ahlusunna iyo waxgaradka magaaladaasi oo ay kala hadleen sidii ay uga qeyb qaadan la haayeen dhismaha iyo taageerada maammulka ay yeelanayaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Mahad Maxamed Salaad, ayaa kulankaasi ka sheegay in ujeeddada ugu weyn ee safarkoodu yahay isku xirka shacabka ku nool gobolladaasi kaddibna loo jiheysto dhismaha maammul loo dhan yahay si buu yiri ay ula mid noqdaan maammulada kale ee ka jira dalka.

Hadalkaasi waxaa soo dhoweeyay guddoomiyaha degmada Guriceel, Cusmaan Ciise Nuur ‘Taardhuleed’ oo metelayay maammulka Ahlusunna ee degmadaasi.

Booqashada wefdiga ayaa qeyb ka ah dadaallo lagu doonayo in markii ugu horreysay maammul rasmi ah loogu dhiso gobolladaasi.