DAGAAAL XALAY KA DHACAY DEGAMDA HILIWAA EE GOBALKA BANAADIR

330

faruuryo_gaduud_wa_Asaga-620x330Dagaalka ayaa ka dhacay Isgooyska Soos ilaa Warshadii hore ee Baraafuunka ee Degmada Hiliwaa.

Waxana Dagaalka uu yimid ka gadaal markii Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ay Weerareen Fariisimaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay halkaa ku leeyihiin.

Khasaaraha ka dhashay Dagaalka Xalay ayaan la sheegin ilaa hada,waxaana Madaafiicda iyo Daryanka Rasaasta ee Labada dhinac ay isku adeegsanayeen laga maqlayey Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Maamulka Degmada Hiliwaa oo aan la Xariirna ayaa ka Gaabsaday in uu wax Faah-faahin ah ka bixiyo Dagaalka Xalay ka dhacay degmada Hiliwaa

Waxaana jira Khasaaro aan Cadadiisa la shaacin oo Dadka Shacabkaa ka soo gaaray dagaalkii Xalay Hiliwaa ka dhacay.

www.xaqiiqa.com