Dagaal 8 qof ku dhintay oo markale ka dhacay Gaalkacyo

272

Inta la xaqiijiyay siddeed qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen  ka dib markii markale daggaal culus uu maanta  dib uga qarxay Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Tirada dhimashada dagaalka maanta ayaa waxaa Xaqiiqiqatimes u  xaqiijiyay ilo  lagu kalsoon yahay oo ku sugan labada dhinaca ee Magaalada Gaalkacyo.

Daggaalkaan ayaa la sheegay inuu  ka dhacay qaybo badan oo magaalada ka tirsan , taasi  oo ay Toddobaadyadii lasoo dhaafay  dagaalladu ay ku  dhex marayeen ciidammo kala taageersan Maamulada  Puntland iyo Galmudug.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xaafadaha Magaalada Qaarkood ay hub kala duwn oo culus lagu garaacay, kuwaasoo ay isku adeeg-sanayaan labadan dhinac ee ku dagaallamaya halkaasi, iyadoo Isbitaallada Waqooyiga iyo Koonturta Degmada Gaalkacyo la dhigay dhaawacyadii ka dhashay dagaallada maanta socda.

Marka laga so tago baaqyada nabadeed ee ka imaanaya Culummada, Shacabkii Barakacay oo ku dhibaataysan tuulooyinka  Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland C/llaahi Fartaag, Ma jirto cid kale oo Dagaalladan sidii lagu joojin lahaa dadaal ku bixinaysa, inkastoo Raiisul wasaaraha Soomaaliya uu isku dayay inuu wax ka qabto collaadda Gaalkacyo.

Dagaalladan ka socda Gaalkacyo, Waxaa ku barkaacay 50,000 oo qof sid ay dhawaan shaacisay Hay’ada QM u Qaabilsan Qoxootiga Dunida ee UNHCR. waxaan xiran goobihii ganacsiga iyo dugsiyadii Waxbarshada.

Halkan ka dhagayso Madaxwaynihii hore ee Puntland oo baaq u diray Madaxwayne Xasan Sheekh