DAGAAL GALABTA KA DHACAY XAAFADA SOS EE DEGMADA HILIWAA+DHAGEYSO.

264

18563Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada ee gacan ka helaya Ciidamada Amisom ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa maanta gelinkii dambe waxa uu ka dhacay Xafaada SOS ee Degmada Hiliwaa sida ay Idaacada Risaala u xaqiijisay mid ka mid ah dadka Deegaanka oo la hadashay Idaacada Risaala,

Sidoo kale wararka aan ka heleyno Xaafada SOS ee Degmada Hiliwaa ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu sababay Dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad Shacabka ah ee ku sugnaa Xaafada SOS ee uu dagaalka ka dhacay, wararka ayaa intaasi ku daraya in Dagaalka uu Joogsaday inkastoo aan la ogeyn Khasaaraha rasmiga ah ee uu sababay dagaalkaasi.

Wepsite-yada ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab ayaa lagu Qoray in dagaalka ay qaadeeyn Ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayna khasaaro u geysteen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ee nabad ilaalinta u joga Soomaaliya sida ay ku qoreyn Wepsite-kooda, dhanka kale ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dagaalkii galabta dhacay.

[ca_audio url_mp3=”http://www.xaqiiqa.com/wp-content/uploads/2014/02/18563.mp3″ url_ogg=”” autoplay=”true” skin=”regular” align=”none”]