Dagaalkii Gaalkacyo oo istaagay iyo qasaarihii ka dhashay.

219

Dagaal  ayaa waaberigii hore ee maanta ka qarxay  Magaaladda  Galkacayo ee xarunta gobalka Mudug kaasi oo la sheegay inuu dhexmaray ciidamo kala taabacsan Maamulada Punt-land iyo Galmudug.

Wararka fiidnimada caawa ah aynu ka helayno goobaha dagaaladu ay ka dhaceen ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaaladii maanta  ay ku dhinteen   toddobo qof  ayadoo la sheegay in tiro ka  badan 10 ruux ay  dhaawacyo soo gaareen.

dadka dhibanayaasha ah ee dagaalada maanta oo Jimco ah ku wax yeelloobay ayaa la dhigay  cusbitaalka magaalada  Galkacayo sida Maxamed Idiris oo dukaanle ah uu u sheegay Xaqiiqatimes.

Xaalada magaalada ayaa ah mid degan caawa ayado dagaaladu ay joogsadeen.

Odayaal dhaqmeed kasoo kala jeeda labada maamul ayaa lagu waramayaa inay haatan qorshaynayaan inay ka wada xaajoodaan sidii  loo qaboojin lahaa colaada halkaasi ka taagan.

Boqollaal dad ah oo ka bayay inay waxyeelayso rasaasta labada dhinaca ayaa ka qaxay xaafadaha Magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo u qaxay toolooyin hoos taga Magaaladaasi.

Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Dagaalkan uu u dhaxeeyay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Dagaalka, waxaana midba midka kale uu ku eedeeyay in uu isaga ka dambeeyay.

Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay in Dagaalka ay soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland, sidoo kalena ku eedeyay in dad shacab ah ay ku dileen Dagaalka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa dhankiisa sheegay in Dagaalka uusan u dhexmarin labada Maamul balse uu u dhaxeeyay dad shacab ah oo labada dhinac kala degan.

Dagaalada ka dhaca magaalada Gaalkacyo oo ah mid salka ku haysa arimo siyaasadeed ayaa ah kuwo marar badan soo noq noqday.

Bilowgii sanadkan ayay ahayd markii dagaal dad badan ay ku nafwaayeen kuu dhacay Gaalkacyo kaasi oo u dhaxeeyay labadani maamul, xalinta dagaaladaasi ayaa waxaa gacan wayn ka gaystay hogaamiyaasha maamul-gobaleedyada dalka ka jira, sida madaxwaynayaasha Maamulada Koonfur-galbeed, Jubland iyo madax ka soctay dowladda dhexe ee federaalka ah ee Soomaliya.