Dagaalo Beeleed cusub oo ka qarxay Degaanka Xarar Dheere

260

Dagaal aad u culus ayaa saakay ka dhacay meel u dhow agagaarka xarar dheere ee Gobolka Mudug, ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhimatay in kabadana way ku dhaawacmeen, laba beelood ee degaankaasi wadadega ayuu dagaalku dhex maray, hase yeeshee ma cada sababta dhalisay dagaalka,  hase yeeshee waxa uu dagaalku soo beegmayaa xili magaalada Dhuusa mareeb iyo Cadaado ay ku muran sanaayeen midi lagu qaban lahaa shirka la doonayo in maamul loogu dhiso Gobollada dhexe.

Qaar ka mid ah Beelaha dega  Dhuusa mareeb ,ayaa doonaya in madasha shirka lagu dhigo Dhuusa Mareeb, halka Beelaha dega Degmada Cadaado ay doonayaan in madasha la dhigo Cadaado.

Waxaan caddeyn ilaa hadda, saameynta dagaalkaani uu ku yeelan doono dadaalkii lagu doonayay in mamul loogu dhiso Gobollada Dhexe.