Dagaalo cusub oo Alshabaab deefaano kula wareegeen

185

Sida Wariye ka tirsan wariye ka tirsan xaqiiqa.com uu skusoo waramayo, Maleeshiyaadka Ururka Raaskambooni iyo Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Xalay waxuu Dagaal Culus ku dhexmaray Degaano Duleed ka ah Magaalada Kismaayo.

faruuryo_gaduud_wa_Asaga-620x330Dagaalkan ayaa lagu soo qaaday Saldhiga ay Maleeshiyaadka Raaskambooni ku leeyihiin Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, waxaana Al Shabaab u suuro gashay in ay kula wareegeen Degaano muhiim ah oo ka tirsan Magaaladaasi.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa Weerar Xoogan oo Madaafiic ahaa ku qaaday Jaziirada Madhawaa ee Gobalka Jubbadda Hoose, waxaana ka dhashay qasaaro kala duwan.

Guddoomiyaha Degmada Badhaadhe Faarax Haybe Xaaji oo la hadlay Garoxaqiiqa.com, ayaa xaqiijiyay in 5-ruux ay ku geeriyoodeen sidoo kalena 6-kale ay ku dhaawacmeen weerar madaafiic ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Jaziiradaasi.

Dadka dhintay ayuu ku sheegay Faarax Haybe inay ahaayeen dad shacab ah oo aqaladooda ay ugu tageen Madaafiicda ay Shabaab kusoo tuureen Magaalada.

Tan iyo Biloowgii Bishan Al-Shabaab waxa ay Jaziirada Madhawaa ay ku hayeen weeraro kala duwan oo ay ku qaadayeen, waxaana la sheegay inay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan Jaziiradaasi.

Guddoomiyaha Badhaadhe, ayaa tilmaamay inay ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab meel 15-KM ujirta Jaziirada Madhawaa oo ay marwaliba kasoo qaadaan weerarada Dagaalka ah ee ay kusoo qaadayaan Jaziiradaasi.

Madhawaa oo ka tirsan Gobalka Jubbadda hoose, waxaa gacanta ku haaya Maleeshiyaadka Kooxda Ururka Raaskambooni oo horay uga qabsaday Ururka Al-Shabaab, kadib dagaal ay la galeen.
www.xaqiiqa.com