Dagaalo ka dhacaya Shabeelada Hoose

168

Gaari nuuca

Dagaalo  ayaa dib uga soo cusboonaaday qaybo ka mid ah gobalka shabeelaha hoose, dagaalkaasi waxaa ku dhintay dhowr iyo labaatan qof.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa maleeshiyaad ka soo kala jeeda laba beelood oo halkaasi wada deggan.

Haddaba Abdiqadir Sh Maxamed Nur Sidii waa guddoomiyaha gobalka shabellaha hoose, ayaa ka hadlay dagaalada kasoo cusboonaaday Shabeelaha Hoose.

Waxaa uu ku sheegay wareysi uu siiyaya BBC Somali in uu san awood u lahayn Dowladda Soomaaliya xakameynta dagaaldan culu ee u dhexeeyo beelaha wada daga gobolka shabeelaha Hoose.

Dagaaladaan ayaa waxaa ay soo noqnoqdeen xili fara badan iyada oo horey loo qabtay kulama lagu doonayay in khilaafaadkaas lagu dhameeyo, balsa aysan mira dhalin.

Dagaaldadaan ayaa waxaa ku naf waayay ilaa iyo hada dad kor u dhaafaya labaatan ruux, halka ay ku barakaceen dad rayid ah oo dumar iyo caruur u farabdan.

www.xaqiiqa.com