Dalka Barbados Oo Jamhuuriyad Noqonaya

48

Dalka Barbados oo ku yaalla jaziiradaha Kareebiyaanka ayaa ku dhawaaqay in ay meesha ka saarayaan madaxnimada boqoradda Britain oo dalkaas ugu sarreysay, una guurayaan jamhuuriyad aan boqoradda hoos tagin.

Dawladda dalka ku yaal jaziiradda Kareebiyaanka ayaa doonaya inay geeddi socodka ay uga baxayaan boqortooyada Britain ku dhammeeyaan ilaa iyo 21 bisha November oo ku beegan 55 guuradii ka soo wareegtay markii ay Britain xornimada ka qaateen.

Dalka Barbados ayaa inbadan doonayay inay ka hoos baxaan nidaamka Britain ee wali boqorad Elizabeth ay dusha ka maamusho dawladda dalkaas maadaama dalku ka tirsanaa boqortooyada Britain.

Qasriga Buckingham Palace ee looga taliyo dalka Britain ayaa sheegay in arrintaan aysan ahayn mid la qariibsado oo had iyo jeer ay hadal hayeen dadka dalkaas u dhashay.

Dawladda dalka Barbados ayaa sheegtay in dadkeedu ay rabaan in Madaxweyne u taliyo oo laga baxo boqoradda dusha ka heysata oo dalka ka dhigeysa mid boqortooyo.

Dalka Barbados ayaa noqoneyn dalkii ugu horreeyay ee jaziiradda Karibiyaankaee  ka baxa boqortooyada Britain. Horay waxaa uga baxay dalka Guyana oo ka baxay afar sanno kaddib xoriyaddii dalkaas ka qaatay Britain. Trinidad and Tobago ayaa kusii xigtay oo 1976 ka baxday , halka Domonicana ay ka baxday sannadkii 1978.