Danjire Abuukar Max’ed oo warqadaha laga gudoomay maxaa se ka jira in xilka uu ku helay xiriirka dhow ee uu la leeyahay M. Farmaajo?

231
 Safiirka cusub ee Soomaliya u qaabilsan Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa magaalada Newyorka ee xarunta QM kula kulmay Xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres  maalintii Arbacada ayagoo ka wada hadlay xiriirka QM iyo Dowladda Soomaaliya.

Abuukar Max’ed Cismaan Danjiraha cusub ee Dowladda Soomaaliya u magacowday Qaramada Midoobay ayaa warqadihii aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiyay Xog-hayaha guud ee QM fadhiya Qaramada Midoobay Antonio Guterres .

Danjire Abuukar Max’ed Cismaan ayaa sheegy in uu xoojin doono xiriirka dib lomaasiyadeed ee u dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaa warqadihii aqoonsiga safiirnimo iga guddoomay Antonio Guterres Xog-hayaha guud ee QM’ waan ku faraxsanahay xilkani in aan Soomaaliya u qabto, horey waxaan xilal kaladuwan uga soo qabtay Dowladihii dalka Soomaaliya soo maray.

Dhanka Kale

Danjiraha ayaa beeniyay warar sheegayay in xilka uusan Ku helin saaxibtinimada dhow ee uu la yahay madaxwayne Farmaajo

“Waa run aniga iyo Madaxweynaha saaxib ayaa nahay, waa la soo shaqeeyay wax qarsoon ma ahan, taasna ma ahan habka shaqada la igu dhiibay ee New York, shaqo ka weyn ayaa hayay oo ahaa Agaasimaha Madaxtooyada, maadaama Madaxweynaha uu yahay nin khibrad u leh dhinaca arrimaha dibadda ayaa markuu arkay khibradeyda iyo baahida ka jirtay New York iigu magacaabay Safiirka Qaramada Midoobey” ayuu maanta ka dhawaajiyay.

Warbaahinta online ka ah qaarkood ayaa waxaa dhowaan baahiyeen warar sheegayay in Safiirka uusan ahayn nin haysta passport-ka diblumaasiga ah ama uusan haysan xasaanad diblumaasiyadeed taasi oo ay sheegeen inay caqabad Ku noqon doonto.

Safiirka ayaa haysta dhalasha dalalka Soomaaliya iyo Maraykanka.

“Aniga Mareykanka Baasaboor diblomaasi ayaa ku imid, dowladda Mareykanka waa ogtahay, Xasaanad waa heystaa,  illaa 17 safiir oo halkan jooga oo dhalashada Mareykanka heysta iyo dhalashada dalkooda ayaa jira wax cusub ma ahan, warkaas waxaa faafinaya dadka aan aqoon sharciyada iyo warbaahinta Tabloid, xasaanad dhameysiran ayaana heystaa, shaqadeeda waxaa u gudanayaa sida safiirada halkan jooga ay shaqadooda u gutaan”ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle sheegay mar uu maanta la hadlayay Idacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga.