Danjire Axmed “Barnaamijkaygu waa Xoojinta Amniga iyo Horumarka Gobollada Mudug iyo Galguduud”

11674

DSC_0430

Wargeyska Xaqiiqa Times ayaa waxaa u suura gashay in uu markii ugu horreysay wareysi gaara ah la yeesho Danjire Axmed C/salaam xaaji Aadan oo dhawana ku dhawaaqay in uu u tartamayo madaxtinimada gobollada dhexe ee Mudug iyo galguduud.

Danjire Axmed waxa uu kasoo shaqeeyay  Wasaaraddii Hidaha iyo tacliinta sare ee dowladdii kacaanka , isaga oo Agaasime Waaxeed ka gaaray. Kadib waxa uu tacliin kororsi u aaday dalalka Britain iyo mareykanka. Waxa uu sidoo kale noqday Soomaalidii degtay dalka Canada burburkii dowladda dhexe kadib. Halkaas ayuu shaqo la xiriirta adeegga arrimaha a bulshada ka qabtay maagalada Ottawa ee dalka Canada. Dajine Axmed waxa uu dabayqaadii 1999kii uu kamid noqday aasaasayaashii Idaacddii ugu horreysay ee madax bannaan ee Soomaaliya laga furo. Dabadeed waxa uu xilal wasiirnimo, iyo Ra’iisul Wasaare K  xigeen kazoo noqday xukuumadihii kumeel gaarka ahaa ee u dambeeyay iyada oo Dowladda haatan jirta ay u magacowday danjiraha SOomaaliya ee dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika. Axmed oo haatan Muqdisho jooga, kuna wajahan Cadaado maalmaha soo socdo,  ayaa wareysigan ku lafa guraya rajadiisa madaxtinimo, sababaha uu isku sharraxay iyo haddii uu guuleysto waxyaabaha uu qaban doono. Wareysiga oo uu qaaday Cabdinuur Maxamed Axmed ayaad isaga oo dhameystiran ka dhagaysan kartaa mareegtan hoose; F.G: Warbaahinta waa ay isticmaali karaan wareysigan balse waa in ay sheegtaa xuquuqda lahaansho ee Xaqiiqa Times.