Danjire Cabdullaahi Sheekh oo beeniyay war laga faafiyay

190

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, Cabdullaahi Sheekh ayaa maanta beeniyay war ay ka qoreen qaar ka tirsan warbaahinta Soomaalida.

Warbaahinta qaar ayaa faafisay inuu danjiraha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka jecel yahay madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, isla markaana uu shaqada ka eryi karo haddii uu doono wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Danjiraha oo isagoo ku sugan magaalada Kigali la soo xiriiray Xaqiiqa Times ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid aan ka suuroobin qof diblomaasi ah, wuxuuna xusay inay jiraan dad dano gaar ah leh oo faafinta wararka noocaas ah shaqo ka dhigtay.

Danjire Cabdullaahi Sheekh ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in fiiro gaar ah loo yeesho dadka dhaqamada noocaas ah caadeystay.