Maman: lama keenayo askar aan la soo baarin

290

Maman-Xasan-Sheekh0Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ugu qaysan arrimaha Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa hawlgalinta AMISOM, danjire Maman Sidikou ayaa u xaqiijiyay dawladda Soomaaliya iyo shacabkaba inay ka urur ahaan aad uga feejigan yihiin imminka in cudurka dilaaga ah ee Ebola uusan soo gaadhin gudaha waddanka Soomaaliya.

Danjire Maman Sidikou ayaa hadalkaasi ku dhawaaqay kaddib kulan uu maanta magaalada Muqdisho kula yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuuna carabka ku adkeeyay inay ka war sugi doonaan inta ay xaaladdu iska beddelayso, sidoo kalena ay ciidamadda Sierra Leone sii joogayaan dalka.

Sierra Leone ayaa horey u shaacisay in la karantiilayo dhammaan ciidamaddii heeganka ku jiray ee uu saamaynta ba’an ku yeeshay cudurku  850 arkari ayaa dalkaasi uga mid ah AMISOM.