Dawladda dhexe oo wadahadal la fureysa Puntland

191

GarooweHadal qoraal ahaa oo kasoo baxay xafiiska ra’iisulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta, Ridwaan Xersi Maxamed ayaa si rasmi ah markale shaaca uga qaaday in madaxda sare ee xukuumadda dhexe ay dhowaan wadahadal ku dhacaya wuxuu ugu yeeray ‘si daahfuran’ la bilaabi doonaan dawlad gobolleedka waqooyi bari Soomaaliya ee Puntland, inkastoo uusan xusin waqti cayiman oo loo qabtay wadahadalkaasi.

“Waxaan shacabka reer Puntland iyo xukuumaddoodaba imminka u xaqiijinayaa in dawladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay wada shaqeeyaan labada dhinac si loo soo celiyo kalsoonidii iyo midnimadii qaran’, ayuu yiri Ridwaan.

Dadaalladaasi ayaa ku soo beegmaya, xilli Puntland ay horey dhawr jeer xiriirka ugu jartay dawladda dhexe ee Soomaaliya shuruudna uga dhigtay heshiis kastoo la gaadhayo inay muhim tahay in beesha caalamku goobjoog ka noqoto.