Dawladda: ururka Al-shabaab ha isi soo dhiibeen?

174

Al Shabaab soldiers patrol in formation along the streets of Dayniile district in Southern MogadishuMasuuliyiinta dawladda dhexe ee Soomaaliya ayaa markale cafis rasmi ah u fidiyay xarakada Shabaab, kaasoo ku eg muddo 45 maalmood gudahood ah.

Dalabkaasi ayey kaga dhawaaqeen golaha wasiirraddu kulan gaar ahaa oo ay ku yeesheen xaruntooda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxayna isku raaceen in cid kasta oo ka tirsan Shabaab ee isi soo dhiibta ka hor inta aanu dhammaanin muddadaasi loo qabtay ay xukuumaddu cafin doonto si ay uga mid noqdaan bulshada kale ee waddanka ku nool.

Dhinaca kale, ciidamadda huwanta ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, iyada oo uusan wax dagaal ah ka dhicin degmadaasi.

Saraakiisha isbaheysiga ayaa ku warramaya in la wareegista degmadu ay qayb ka tahay hawlgalka “Badweynta Hindiya” ee ay ciidamaddoodu kula jiraan Al-shabaab.

Ilaa iyo markii uu bilawday hawlgalkaasi ayey huwantu dib u qabsadeen ku dhawaad shan degmo oo horrey uga talin jireen ururka Al-shabaab.