Dawladda Soomaaliya oo hub ka dhigis ka wada Muqdisho

196

Hubka Soomaaliya

Ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen isku dhac dhex maray ciidamadda ammaanka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo guddoomiyihii hore ee degmadda Waddajir, Axmed Xasan Caddow “Axmed Daaci” xilli ay xukuumaddu wado dadaallo hubka looga dhigayo dadka weli hubaysan ee aan ka amar qaadan dawladda dhexe ee Soomaaliya.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in israsaasayntu timid ka dib markii ay ciidamaddu weerareen hoyga Axmed Daaci oo ay kuwada sugnaayeen siyaasiga Cabdullahi Sheekh Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta Muqdisho.

Hase ahaatee, hawlgelka ayaa dhacay iyaddoo saraakiisha dhinaca ammaanka ee dawladda Soomaaliya ay horey shaaca uga qaadeen in si rasmi ah loo billaabay qorshe hub ka dhis looga sameynayo guud ahaan magaaladda Muqdisho.

Gelinkii dane ee shalay, afhayeen u hadlay wasaaradda amniga ayaa sheegay in la soo qabtay in ka badan 500 oo qore, kuwaasoo laga cabsi qabay inay gacanta u gallaan dagaal yahan xirriir la leh Al-Qaacidda.

Dhinaca kale, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo guddoomiye u ah guddiga ammaanka ee golaha shacabka ayaa soo dhaweeyay hawlgelka kuna tilmaamay xal muhiim ah oo wax looga qaban karo soo celinta nabadda iyo kala danbeynta, balse buu yiri marka hore ay haboonaan lahayd in dawladdu lacago u ballan qaado muwaaddiinta si ay u soo wajeeriyaan hubka loogana hortago cabasho ka timaada.

Hawlgelkaasi ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan xukuumaddu ay meel marisay hindise hubka looga dhigayo shacabka loona sii gudbiyay barlamaanka Soomaaliya si cod loogu qaado qorshehaasi.

Ganacsiga hubka ayaa taariikh dheer ku leh caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo mar ahaan jirtay magaalo ay si madax bannaan u maammullaan hoggaamiye kooxeedyaddii qabaa’illadda ee meesha laga saaray sanadkii 2006-dii.