Da’yarta Soomaaliyeed yaa u qoray Darxumada?

Dhallinyarada Soomaaliyeed ma aha kaliya mustaqbalka dalka ee sidoo kale waa aqlabiyadda bulshada. Afar qeyb dadyowga soomaaliyeed in ka badan seddex qayb ayaa ah dad da’doodu ka hooseyso 30 jir.

Inta badan dadka da’doodu yartahay ayaanan helin nasiibka nabad ku noolaanshaha, waxa ayna ka qatanyihiin qiimaha dowladnimo. Sidaas awgeed, dalka waxaa uu soo maray marxalado murugo huwan oo wata waayahooda, da’yartana waxa ay ahayd awoodda xumaha loo adeegsado. Si kale hadii aan u dhaho waxa ay ahaayeen kuwa jila ciyaarta Xisbiyada, Xarakaadka, Qabaa’illada iyo Garabyada siyaasadeed u dhaxeysa.

Kaaga darane malahayn door go’aan qaadasho, fursad siin iyo door hoggaamineed intuba. Waa hubaal in dhib badan oo gayigeenna gubay ay sababeen qayb naga mid ah; waxa aan uga jeeda kuweenna da’da yar ee lagu adeegtay.

Qormadan kuma eegayo dhammaan xilliyadii kharaara. Waa tusaaleyn iyo talo aan isleeyahay isdaba qabad baa inala gudboone aan dawga wanaageenna garasho u yeelanno.

Kaabe qabiillada haddaan dhimbil u ahayn, haddaan Xarakaadka xaabo u ahayn, mar haddii beelaha aan billaawe u ahayn, maanta Qaranka dawo waan u noqon karnaa, daw hoggaan iyo halka hagaagsanna waan ku hanuunin karnaa.

Soomaaliya oo maamullo kala duwan ay haatan ka jiraan majirto fursad cad oo da’yarta looga qayb dhigay go’aan ka gaarista aayaha Dalka. Waa yaab oo waxaa la dafiray doorkii da’yarta. Kuwa ugu badan dadyowga dalka ayaa laga dhigay kuwa laga tirada badanyahay.

Amakaag waxaa ah in aysan jirin hal Dallad oo kulmisa codka dhallinta Soomaaliyeed. Aanba qeexe qaarbaa qandaraaslayaal ku ah qaybinta cududda da’yarta! Waxaa taa kasii xanuun badan marka aad maqasho in ururro dhallinyaro ay kufaanaan in hannaan beeleed ay kudhisanyihiin oo ay weli ka hingaad meersadaan kaabe qabiillada.

Dalka waxa uu leeyahay hiigsiyo kala duwan gaabisba haka jiree. Waxaa maalin walba dhallinteena ehel unoqdeen kuwa la adeegsado xilliyada munaasabadaha sida 15-May (Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed) ama u sacab tuma madaxda oo la adeegsado xilliyada ololaha uu jiro, loo yeerto mararka dood cilmiyeed lagu qabanyo goob Huteel ah.

Waxaa bar baarteenna lagu af-gobaadsadaa:”Waxaad tihiin lafdhabarta bulshada, waxaad tihiin madaxda burrito.’ Hadalladan waxaa caadeystay siyaasiyiinta soomaaliyeed heer walbo ay joogaan ayaga oo ka dhigay da’yarta inaan waqtigoodi weli dillaacin oo ay yihiin kuwa berrito.

Sidoo kale dhammaan hay’adaha hoggaamineed ee heerarka Federaal iyo Gobolba majiraan awood qaybsi loo qoondeeyay dhallinyarada. Ogoow waa kuwa la leeyahay Qarankan ayay raasamaal uyihiin. Waxaanan muuqan ififaallo lagu hakinayo kuwa maciin biday inay doonni bac ka sameysan la dul heehaabaan badaha.

Dhibta ugu weyn ee haatan taagan ayaa loo aaneeya inaysan jirin Siyaasad dhallinyaro  taas oo hagaysa fursadaha shaqo, xaquuqda dhallinyarada ee dastuurka, awoodaha da’yarta iyo kafaa’idaysigooda iyo dhammaan saameynta dhallinyarada ee horumarka dalka.

Wixii aan xaalado xumi soo marnay weli dhigaal taariikheed kama aanan sameysan. Ciil iyo caro badanaa!.Ma waxaan ku qanacnaa adeegayaasha siyaasiyiinta inaan ahaanno? Ma waxaan doorkeenna kasugnaa odayaasha caqligooda u shaqeeyo sidii 1960-kii?

Afar jeeblayaasha caqliga ka awdan unbaa isgacan qaada marka reeruhu heshiinayaan. Waa yaabe yaa diriray? Ma dhallinta mise duqowda?

Xukuumadda Federaalka oo ay Wasaaradda Dhallinyarada masuul ka tahay waxa aan ka codsaneynaa in siyaasad horumarin iyo kobcin ku dhisan loo sameeyo dhallinyarada oo ah hogaamiyayaasha manta cudud u noqon kara dib u dhiska iyo hagaajinta dalka. Siyaasad la’aanta da’ yarta waxa ay sabab u tahay dhibaatooyin badan oo haatan dalka ka jira sida xagjirnimada iyo tahriib oo ay dhallinyaradu qeyb weyn ka tahay.

Waxaan u baahannahay dib u heshiisin guud iyo da’yar Diinta iyo Dalka u diirnaxda. Aan u diyaargarowno maalgelinta maanka da’yarta si loo dhiso mujtamac maamul wanaagsan.

WQ:Khaalid Cilmi Nuur-Jees
Gudoomiyaha SOYAD
Nuurjees@gmail.com