Deg Deg: Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh ku ansaxiyay Xasan Cali Khayre

461

xasan-cali-khayre

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansaxiyayay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre kaasi oo madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilkaasi u magacaabay 23 kii bishii Febraayo ee aan ka soo gudabnay.

inta codka kalsoonida loo qaadin Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa kal-fadhiga koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya si rasmi ah u furay Madaxwayne Farmaajo oo xildhibaanada ka codsaday inay codkooda siiyaan Ra’iisul wasaare Khayre.

in ka badan 231 mudane oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan  ayaa codkooda kalsoonida siiyay Xasan Cali Khayre ma jirin xildhibaan diiday mana jirin xildhibaan ka aamusay oo dhammaan xildhibaanadii shirka ku sugnaa waa ay u codeeyeen Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.