Deg Deg: Donald Trump oo ku guulaysaty doorashada Maraykanka

267

Donald Trump ayaa ku guuleystay Xilka Madaxtinimo ee dalka Mareykanka oo helay codad dhan 276- iyadoo laga rabay oo kaliya 270 cod, halka Hillary Clinton ay la timid 218.

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa codad badan kaga guuleystay Musharaxa xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka Hillary Clinton, oo la timid 218 cod, waxaana uu isagu helay 276 kursi, iyadoo inta laga rabay oo kaliya ay ahayd 270 kursi.

Donald Trump oo haatan noqonaya Madaxwaynaha 45naad ee dalka Maraykanka, isagoo sidoo kale noqonaya madaxwaynihii ugu horeeyay oo aan siyaasi ahayn oo Ku guulaystay Tartanka Aqalka Cad.

Trump oo haatan hadlaya ayaa sheegay in guushiisa ay ugu soo hambalaysay  Hillary Clinton.