Deg Deg: doodaha musharixiinta oo la joojiyay

311

Guddiga qaban qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in gebi ahaanba la joojiyay doodahii dhexmari lahaa musharixiinta u taagan xilkamadaxweynaha .

Gudoomiyaha gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Baylle oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gebi ahaanba la joojiyay doodahii musharixiinta.

‘’Sida aan horayba u sheegnay jadwalka doorashadana ku qoran maanta waxey aheyd in la hergaliyo qeyb ka mid ah jadwalka doorashada oo aheyd in musharixiinta dadka hor yimaadaan su’aalo toos ahna la weydiiyo, labo qeybood ayaan u kala qeybinay musharixiinta oo kala ah 12 musharax in gallinka hore ka qeyb-qaataan doodda, halka inta kalana loo qorsheeyay in ay soo xaadiraan galinka danbe, waxaana soo ajiibay oo noo yimid 9 musharax, markii ay doodda wax xooggaa soctay ayaa ogaanay in Internetku laheyn awood uu ku gudbin karo doodda oo loo baahnaa in toos loo tabiyo, waan tan keentay in dooddii halkaa ku baaqato’’ ayuu yiri guddoomiyaha gudiga doraashada.

Arrimahan ayaa yimid ka Dib markii maanta musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya qaarkood ay ku dhawaaqeen inaysan ka qayb gali doonin doodda.

Jadwalka doorashada madaxweynaha ayaa horay waxaa maanta loo qorsheeyay in musharixiinta ay bilaabaan doodsha taasi oo socon lahayd ilaa iyo maalinta barri ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la doorto 8-da bisha Febraayo xiligaasi oo in ka badan 320 mudane oo isugu jira labada Aqal ay kala doortaan 24 ka musharax mid dalka hogaamin doona afarta sano ee Soo socda.