Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Hoose.
Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyey ee loo doorto Aqalka Hoose Barlamaanka Federalka ah ee Soomaaliya.
Cali Yusuf ayaa cod aqlabiyad ah kaga guulaystay musharaxa ay baratamayeen ee Cabdirashiid Xasan Nadiif,waxana uu helay 49 cod, halka Cabdirashiid Xasan uu isna helay 1 cod.
Xubin kasta oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Hoose waxaa dooranaya 50 ergay, ayadoo guud ahaan goobaha ay ka dhici doonaanaan doorashada Aqalka Hoose ay ergooyinka codayn doona gaari doonaan 14,0026 ergay.
Maamulka Puntland ayaa horay usoo doortay xubniha matali doona maamulkaasi ee Aqalka Sare
Filo faah-faahin goor dhow.